
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubbaland Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed ayaa maanta kulan la qaatay Agaasimaha Hay’adda Iskaashiga iyo Hurumarinta ee Talyaaniga (Italian Agency for Development Cooperation) Dr. Santa Mole iyo masuuliyiin kale oo ka socday Hay’adda.
Wasiirka ayaa kala hadlay Agaasimaha iyo masuuliyiinta kale xoojinta iskaashiga iyo mashaariicda horumarineed ee Jubbaland iyo dhameystirka wada-hadalo horey ugu socoday Wasaaradda iyo Agaasimaha Hay’addan oo ku saabsan tayeynta Wasaaradda Qorsheynta Jubbaland si ay u xaqiijiso isku dubaridka mashaaricda iyo sare u qaadida hufnaanta iyo isla-xisaabtanka.
Kulankan ayaa kusoo dhamaaday is afgarad laga gaaray qodobadii kulanka looga wada hadlay, Waxaana masuuliyinta ay ku heshiiyeen wada shaqayn iyo iskaashi saxiibtinimo.