
Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jubbaland Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmed oo uu wehelinayo Agaasimaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ayaa maanta magaalada Nairobi ee Dalka Kenya kulan kula qaatay wafti ka socday Wasaaradda iskaashiga dhaqaalaha iyo horumarka ee Dalka Jarmalka oo uu hogaaminaayo Dr. Henning Plate, Madaxa iskaashiga Horumarka safaaradda Jarmalka ee Somaaliya Madam Alena Kern, Agaasimaha GIZ u qaabilsan Somaaliya Mr. Christopher iyo Madax kasocotay GIZ Somaaliya iyo Kenya.
Mas’uuliyinta ayaa ka kala hadlay waftigan mudnaanta iyo qorshaha dhameystirka Dowladnimada Jubbaland, sida sare u qaadida iskaashiga labada dhinac, Tayeynta Hay’addaha Dowladda, Mashaaricda xalka waara, Arrimaha abaaraha, Iskaashiga dhinaca wax-soo-saarka sida Beeraha, Kalluumeeysiga iyo Xoolaha.
Waftigan ayaa aad usoo dhaweeyay soo jeedinada Mas’uuliyinta ayagoo balan qaaday in ay kordhin doonaan mashaariicda horumarineed ee Dowladda Jarmalka aay ka wado Dowlad goboleedka Jubbaland.
Kulankan ayaa guul kusoo dhamaaday waxaana wasiirka Qorshaynta uu balan qaaday ayadoo la fulinayo siyaasadda Madaxweynaha Jubbaland oo ah in dhamaan daneeyasha iyo saaxiibada caaalamiga in ay Jubbaland u abuureyso jawi saaxibtinimo si sare loogu qaado iskaashiga dhamaystirka Dowladnimada.

