
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Jubbaland Mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan oo uu waheliyo Gudoomiye ku-xigeenka labaad Mudane Cabdi Baaley Xuseen ayaa maanta shir guddoomiyey kalfadhiga 4-ad fadhigiisa 6-aad ee Baarlamaanka Jubbaland.
Kulanka oo ay soo xaadireen 52 Mudane ayaa Ajandihiisu ahaa ka doodista iyo ansaxinta miisaaniyadda 2023.
Dood iyo falaqeyn ka dib waxaa Xildhibaanada Golaha wakiilada ay cod aqlabiyad ah ku ansaxiyeen Miisaaniyadda sanadka 2023, iyadoo ay ogoladeen 50 mudane, Waxaa ka aamusay 2 mudane, wax didayna ma jiran.
