
Xildhibaanada Golaha Wakiilada Jubbaland oo maanta kulan ku yeeshay xaruntooda magaalada Kismaayo ayaa ka dooday labo sharci oo hore ay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaaluha ay ugu soo gudbisay oo kala ahaa Sharciga Shaqaalaha aan Dowliga ahayn iyo Sharciga Shaqaalaha ajaaniibta ah ee ka hawlgala deegaanada Jubbaland.
Kulanka Golaha Wakiilada ee maanta waxa shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada mudane Cabdi Maxamed Cabdiraxmaan waxaana goob joog ahaa gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada mudane Aadan Khaliif Xaaji Yuusuf.
Shir guddoonka ayaa cod galiyay Ajanadaha ay maanta Xildhibaannadu ka doodeen.
Kooramka oo ay Xaadir ahaayeen 45 mudane waxa labadan xeer ansixiyay 44 xildhibaan halka uu Xildhibaan ka aamusay mana jirin cid diidday.