
Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Jubbaland.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa Golaha uga warbixiyey arrimaha Siyaasadda iyo arrimaha bulshada.
Sidoo kale waxaa shirka Golaha Wasiirada warbixinno looga dhageystay Wasaaradaha Haweenka iyo xuquuqul insaanka, Deegaanka iyo Dalxiiska iyo Wasaaradda Isgaarsiinra, Boostada iyo Tiknoolojiyadda Jubbaland