
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si rasmi ah u xaqiijiyey in ciidamada dowladdu ay la wareegeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabellada Dhexe.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab ay ka saareen dadkii rayidka ahaa magaalada, isla markaana matooraddii biyaha soo saarayey ay ceelasha ka bixiyeen. Waxa uu sheegay inay ciidanku gaynayaan matoorro, si ay biyaha uga cabbaan dadka degaanka.
Madaxweynaha ayaa sidoon kale sheegay in degmada keliya ee xilligan Argagixisada Al-Shabaab kaga sugan yihiin gobolka Shabeellda Dhexe ay tahay Ruun Nirgood.