
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta Xarunta Safaarada kulan kula qaatay danjiraha Dowladda Imaaraadka ee Soomaaliya Amb Ahmad Juma Al Rumaithi.
Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay Dowlada Isutaga Imaaraadka Carabta tageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan wakhtigan adag ee qeybo dalka kamid ah wali abaarahu ay ka jiraan.
Sidoo kale Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay mashariicda Dowlada Imaaraadka ay ka wado Jubbaland iyo dagaalka ka dhanka ah Argagixisada.