
Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta shir gudoomiyey shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirada Jubbaland.
Madaxweyne ku-xigeenka ayaa ugu horeyn Golaha warbixin ka siiyey Arrimaha Siyaasadda, Arrimaha bulshada iyo arrimaha maamulka iyo maareynta dhulka ee Dowlad gobokeedka Jubbaland.
Sidoo kale waxaa shirka warbixino looga dhageystay Wasaaradaha Amniga, Gargaarka, Xanaanada xoolaha, Caafimaadka iyo Wasaaradda Isgaarsiinta, Boostad iyoTiknoolajiyadda Jubbaland.