
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeelka bulshada Jubbaland Maxamed Ibraahim Oogle ayaa soo xiray Shirweynaha 6-aad ee Caafimaadka Jubbaland oo saddexdii maalin ee la soo dhaafay ka socday magaalada Kismaayo.
Munaasabadda xiritaanka Shirka waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Wasiiro, Xildhibaano, Agaasimeyaal, Howlwadeenada Wasaaradda Caafimaadka, Ururada bulshada rayidka, Bahda Caafimaadka iyo marti sharaf kale.
Shirweynaha 6-aad ee Caafimaadka Jubbaland ayaa intii uu socday diiradda lagu saaray horumarinta Adeegyada Caafimaadka iyo qorsheyaasha Wasaaradda Caafimaadka u degsan sanadka soo socda ee 2023.