
Wasiirka Wasaaradda Amniga Jubbaland S/Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal ayaa maanta ka qayb galay munaasabad ay xilka kula wareegayeen Taliyaha cusub ee Ciidanka Daraawiishta Jubbaland S/Guuto Ismaaciil Saxardiid Kaydsane, Taliyaha cusub Ciidanka Booliska Jubbaland S/guuto Cabdullaahi Cabdi Yuusuf iyo Taliye ku-xigeenka Booliska Jubbaland G/sare Xuseen Cabdi Xaashi.
Munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Taliyaha qaybta Booliska Gobolka Jubbada hoose G/sare Sadiiq Maxamuud Dhogor, Taliyihii hore ee Ciidanka Booliska Jubbaland S/guuto Maxamed Cabdi Xujaale iyo saraakiisha kala duwan ee Ciidanka Jubbaland.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Jubbaland S/Gaas Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal ayaa Taliyeyaasha cusub kula dardaarmay inay si hufan u gutaan masuuliyadda loo igmaday.