
Wafdi ay hoggaamineysay Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan khadiija Maxamed Al Makhsuumi oo ay qeyb ka ahaayen Wasiir ku-xigeenka Wasaradda Xildhibaan Saciid Maxamed Cali iyo xubno kale ayaa maanta soo gaaray magaalada Kismaayo.
Wafdiga ayaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxaxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyey Wasiirka wasaradda Degaanka iyo dalxiiska Jubbaland Mudane Ceydiid Saleebaan Xaashi, Wasiir ku xigeenka Wasaradda Deeganka Jubbaland Maxamed Cabdinuur Beerxaani, qaar ka mid ah Golaha Wasiirada Jubbaland iyo mudaneyaal ka tirsan Golaha Wakiilada Jubbaland.
Intaas kadib Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa wafdiga ku qaabilay xarunta Madaxtooyada Jubbaland halkaas oo ay kulan ku wada yeesheen.
Sidoo kale waftiga ayaa waxa ay kormeer ku tageen Wasaaradda deegaanka iyo dalxiiska Jubbaland iyagoo u kuurgalayay howlaha shaqo ee Wasaaradda ka socda.
