
Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ayaa maanta degmada Dhoobley gaarsiiyey labo diyaaradood oo siday gargaar iskugu jira daawo iyo raashin, si gacan looga geeysto baahida ay qabaan dadka ku nool degmadaas iyo deegaanada hoos yimaada.
Wasiiru-Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xirsi Jaamac Gaanni, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo masuuliyiin ka socota wasaaradda Caafimaadka XFS, ayaa gargaarka ku wareejiyay wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka Jubbaland oo uu weheliyo guddoomiyaha degmada Dhoobley, si loo gaarsiiyo dadka tabaalaysan.

