
Golaha wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa u magacaabay Gen. Sulub Axmed Firin, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.
Taliyaha cusub, ayaa waxa uu badalay Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, oo xilkan hayey sanadihii u danbeeyey.
Magacaabistiisa kahor wuxuu Sulub Axmed Firin ahaa wasiir ku xigeenka wasaaradda Duulista ee xukuumadda Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.