
DCIM100MEDIADJI_0075.JPG
Waxaa meel wanaagsan maraya wajiga koobaad ee dhismaha wadada isku xirta Degmooyinka Kismaayo iyo Afmadow oo dhawaan dhismahoodu uu bilowday.
Wadadan oo ah mid muhiim u ah isku socodka guud ahaan gobolada Jubbaland ayaa ahayd mid burbursan oo ku adkayd gaadiidleeyda inay wakhti koobaan ku gaaraan halka ay rabaan.
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa sidoo kale kulan la qaatay qeybaha kala duwan ee Bulshada Deegaanka si loo dardar geliyo dhismaha wadadan muhiimka ah.