
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wakiilka gaarka ah e Midowga Africa u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa ATMIS Ambassador Mohamed El-Amine Souef oo booqasho ku yimid magaalada Kismaayo.
Wafdiga Waxaa kamid ahaa qaar kamid ah wakiilada hay’adaha Qaramada Midoobay iyo howlwadeenada howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.
Kulanka oo sidoo kale ay ka qeybgaleen qaar kamid ah xubnaha Golaha Wasiirada Jubaland ayaa lagaga hadlay dardar gelinta howlgalada dib u xoraynta ee Jubbaland ay ka wado qeybo badan oo kamid ah Jubbaland iyo sidii howlgaladaas ay uga qeyb qaadan lahayeen Ciidamada ATMIS ee ku sugan Jubbaland.
