
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Khadiija Maxamed Diiriye, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cabdixakiim Jimcaalle iyo masuuliyiinta kale ee Wasaarada oo maalmahii lasoo dhaafay howlo Shaqo u joogay Magaalada Kismaayo.
