
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta shir gudoomiyay Kulanka golaha wasiirada oo lagaga hadlay qodobo kala duwan oo ay kamid yihiin.
Dardargelinta wadada isku xirta Kismaayo iyo Afmadow oo dhawaan dhismaheeda la bilaabay taas oo wax badan ka badali doonta isku socodka dadweynaha.
Wasaarada Waxbarashada ayaa ka warbixisay qorshaha Kordhinta macalimiinta ka howlgala Jubbaland oo Wasaarada Waxbarashada ay ka shaqaynayso sidii kor loogu qaadi lahaa tirada iyo tayada macalimiinta.
Sidoo kale Wasaarada Haweenka ayaa ka warbixisay Barnaamijka Shaqo abuurka haweenka oo kor loo qaadayo isla markana loo abuurayo fursado kala duwan oo shaqo abuur loogu samaynayo haweenka Jubaland.
Inta uu socda kulanka golaha wasiirada waxaa kale oo la dhaariyay Wasiir Dowlaha Madaxtooyada ee dhawaan la Magacaabay Maxamed Axmed Cismaan.
