
Madaxweynaha Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo xiray shirka dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Madaxweynaha ayaa deddaal dheeri ah ku bixiyey ka miro dhalinta shirkan isagoo tiro laba jeer safar ku tegay magaaladda Baydhabo.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale u mahadceliayay shacabka koonfur Galbeed dadaalka ay ka qateen in uu guullaysto shirka dib u heshiisiinta ee lagu soo gaba qabeeyay Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka koonfur-Galbeed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa Sidoo kale tilmamay in dhanka dowladda ay mar walba diyaar u tahay qabashada shirarka kan la midka ah si nabad waara loo helo, isagoona sheegay in dowladdu ay qaadaneyso kaalinteeda kaga aadan dhaqangalka waxyaabihii lagu heshiiyay ee shirka ka soo baxay, muhiimna ay tahay in laga wada shaqeeyo xasiloonida guud ee dalka.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u mahadceliyey qaybaha kala duwan ee shacabka koonfur galbeed iyo cid walba oo kaalin ka geysatay inuu qabsoomo guullaystona shirweynaha dib u heshiisiinta koonfur-galbeed.