
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir gudoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada Jubbaland.
Madaxweynaha Jamhuuriyada oo uu wehelinayay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Golaha uga warbixiyay xaaladda guud ee dalka iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada.
