
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta dalka ku soo celisay 123 Muwaadin oo ku xanibnaa dalka Suudan, kuwaas oo u badan Ardey, 78 ka mid ah dadkaas waxaa la keenay Muqdisho, halka 45 laga dajiyay Magaalada Garoowe.
Muwaadiniinta oo safar dhulka ah oo dowladdu fududeysay ku tagay dalka Ethiopia ayaa laga soo qaaday Magaalada Addis ababa, Masuuliyiin ay ka mid yihiin Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS, Wasiirka arrimaha dibadda iyo wasiirka Waxbarashada ayaa Garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyey 78 ruux halka Garoowe ay ku soo dhaweeyeen Masuuliyiin ka tirsan Puntland.
Waa markii labaad ee Dowladda Soomaaliyeed ay dalka ku soo celiso Muwaadiniin ka soo baxsaday dagaalada ka socda dalka Suudaan, waxaana ay horay u keentay ku dhawaad 30 muwaadiniin laga soo qaaday Koofurta Suudaan.