
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Senator hore Kornayl Axmed Xaashi Maxamuud, Xildhibaan hore Rashiid Aadan Cabdullahi Gabiyoow Iyo Janaraal Cabdi Mahdi Cabdisalaam.
Madaxweynaha oo uu wehelinayay Madaxweyne ku xigeenka labaad Mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa masuuliyiintan ka dhagaystay figradahooda iyo aragtiyada wax ku oolka ah ee dhinacyada kala duwan gaar ahaan dagaalka ka dhanka Khawaariijta iyo xaalada guud ee dalka.
Waxaa Madaxweynahu uu masuuliyiintan la wadaagay qorshayaasha Dowladda Jubbaland ee dagaalka ka dhanka ah Argagixisada iyo howlgalada natiijooyinka wanaagsan laga gaaray ee ay wadaan Ciidamada kala duwan ee Jubbaland iyo Ciidamada xooga dalka.
Inta uu kulanku socday waxaa kale oo Masuuliyiintu ay isla soo qaadeen sidii loo adkayn lahaa Midnimada Bulshada iyadoo wax walba oo kala aragti duwanaansho ah loo marayo xalinteeda wada hadal iyo is qancin taas oo ah wadada kaliya ee lagaga dhabayn karo himilooyinka shacabka Jubbaland.