
Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Xarunta Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay masuuliyiinta ugu saraysa Dowlad goboleedka Jubbaland oo uu hogaaminayo Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam.
Waxaa Kulanka ka qeybgalay Madaxweyne ku xigeenka koobaad Mudane Maxamuud Sayid Aadan, Xildhibaanada iyo Wasiirada heer Federaal iyo heer Jubbaland ku matala gobolka Gedo.
Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada gobolka Gedo iyo dhismaha maamulka gobolka oo ay xasarado ka jireen sanadahii lasoo dhaafay.
Jubbaland ayaa dhawaan soo dhisi doonta maamulka gobolka iyo degmooyinka uu ka kooban yahay kadib Marka ay soo dhammaadan latashiyada bulshada gobolka.

