
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa soo dhaweeyay dib u furista xuduudka Dalkeennu uu la wadaago wadanka Kenya oo ay heshiis ku gaareen Dowladda Federaalka ah iyo Dowladda Kenya.
Furida Xuduudkan oo xiraa inta badan sanadahii lasoo dhaafay ayaa muhiim u ah isku socodka bulshada labada dhinac gaar ahaan dhinacyada hormarka ganacsiga, is dhaafsiga badeecooyinka kala duwan iyo wadaaga himilooyinka labada shacab ee dariska ah.
Furitaanka xuduudka Degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo iyo Degmada Mandhera ee mandheera County ayaa la furi doona mudo 30 maalmood ah kadib.
Sidoo kale xuduudka Degmooyinka Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose iyo Libooyo oo katirsan Garissa County ayaa la furi doona 60 maalmood kadib.
Sidoo kale -xuduudka Deegaanka Raaskambooni ee Gobolka Jubada Hoose iyo Deegaanka Kiunga ee Lamu County ayaa la furi doona 90 maalmood kadib.
Madaxweynaha ayaa ugu baaqay bulshada ree Jubbaland ee ku nool deegaanada xuduudka ah inay ku gacan siiyaan hay’adaha amniga ilaalinta nabadgalyada xuduudka iyadoo si wadajir ah looga faa’iidaysanayo furitaanka xuduudka oo ahmiyad weyn oo dhaqaale u leh labada shacab.
Ugu danbayntii Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Dowlada Federaalka ah iyo Dowlada Kenya heshiiska miro dhalka ah ee ay ka gaareen furitaanka xuduudka oo mudo dheer xiraa isla markana ay dhibaato badan ku qabeen ganacsatada iyo Bulshada labada dal.