
President Donald Trump leads a United Nations Security Council meeting at U.N. headquarters in New York on Wednesday, Sept. 26, 2018. (Tom Brenner/The New York Times)
Guddoomiyaha Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, Csaba Kőrösi, ayaa si adag u cambaareysay weerarradii shalay lala beegsaday ciidamada Midowga Afrika ee ATMIS, saldhiggooda magaalada Buulo Mareer.
Wuxuu tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay, sidoo kale shacabka iyo dowladaha Uganda iyo Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu u rajeeyay caafimaad deg deg ah dadkii ku dhaawacmay.
“Argagixisadu nooc kasta oo ay tahay iyo muuqaalkeeda waxay ka dhigan tahay khatar weyn oo ku wajahan nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.” ayuu yiri Csaba Kőrös.
Guddoomiyaha golaha loo dhanyahay ayaa ‘hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in cadaaladda la horkeeno kooxihii ka dambeeyay weeraradaasi.