
Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta daahfuray shirka madasha xiriirka arrimaha Bani’aadannimada oo lagu qabtay magaalada Kismaayo.
Shirka ayaa waxaa ka qayb gelaya Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta XFS, Wasiirku-dowlaha xafiiska Raysal wasaaraha, Wasiiir ku-xigeenka Wasaaradda biyaha XFS, Wasiiradda Wasaaradaha Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Dowlad Goboleedyada Dalka, Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka iyo Gudoomiye ku-xigeenka hay’adda, xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Jubbaland, Wakiilo ka socda beesha caalamka iyo mas’uuliyiin kale.
Shirkaan waxaa diiradda lagu saarayaa jihaynta gargaarka iyo taakulada dadka Soomaaliyeed ee la kulma musiibooyinka dabiiciga ah gaar ahaan fatahaadaha iyo abaaraha.