
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Garaadada gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn oo maalmahan ku sugan magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa ka dhageystay Garaadada Dhaqanka aragtidooda ku aaddan xal u helidda dhibaatada ka tagaan Gobolka Sool, isagoo kula dardaarmay in ay doorkooda ka qaateen nabadda, walaalnimada iyo xasilloonida bulshada deegaanka.
Garaadada Dhaqanka ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey kulankan iyo soo dhaweynta wanaagsan, waxa ayna soo bandhigeen aragtidooda ku aaddan xaaladda taagan, dhibaatada jirta iyo caqabadaha nololeed ee soo food-saaray dadka deegaanka kuwaas oo ka dhashay dagaalka ka socda Gobolka. Waxaa Madaxweynaha kulanka ku weheliyay Gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Aqalka Sare ee JFS, Wasiiro katirsan Xukuumada Federaalka iyo Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka JFS.
