
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay Gudoomiyaha Hay’ada Maareynta Musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Wasiirada Wasaaradaha Maareynta Musiibooyinka ee Dowladaha Xubanaha ka ah JFS oo ka qeybgalaya shirka madasha arimaha gargaarka oo lagu qabanayo Magaalada Kismaayo.
Masuuliyiintan kale duwan waxaa ay Madaxweynaha Jubbaland warbixin ka siiyeen howlaha shaqo ee u qabsoomay inta ay joogeen Magaalada Kismaayo iyadoo dhawaana Kismaayo laga daahfuri doono Shirka Madasha arrimaha gargaarka oo lagaga hadli doono jihaynta gargaarka iyo taakulada dadka Soomaaliyeed ee la kulma musiibooyinka dabiiciga ah gaar ahaan fatahaadaha iyo abaaraha.
