
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay gaaray magaalada Ankara ee xarunta waddanka Turkey, halkaas oo uu kaga qeybgalayo caleemo-saarka madaxweynaha la doortay ee Turkiga Recep Tayyip Erdogan.
“Soomaaliya iyo Turkiga waxaa ka dhexeeya xiriir soojireen ah oo ku dhisan iskaashi dhinacyada horumarka, ammaanka iyo dhaqaalaha” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka mid ah madaxda tobannaan dal oo lagu casuumay ka qeybgalka caleema-saarka Erdogan oo toddobaadkii hore ku guuleystay doorasho ku celis aheyd.
