
Wafdi uu hoggaaminayay Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta soo gaaray Magaalada Kismaayo.
Wafdiga Guddoomiyaha waxaa qayb ka ah Wasiirrada Gargaarka Dowlad Goboleedyada Galmudug iyo Hirshabeelle.
Guddoomiyaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka diyaaradaha Kismaayo kusoo dhaweeyey Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland oo ay weheliyaan Wasiir ku-xigeenka iyo Agaasimaha Wasaaradda iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Jubbaland.
Jubbaland ayaa marti gelineysa Shirka Madasha Gargaarka Dalka oo shanta bishan April ka furmi doono magaalada Kismaayo, Waxaana la filayaa in uu Shirkaas kasoo qayb geli doono Raysal wasaare ku-xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac.