
Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta mashruuca weyn ee biyo galinta Magaalada Kismaayo ee deegaanka Yoontoy.
In ka badan sodon sanno kahor ayay dowladii dhexe ee Soomaaliya hirgalisay mashruucan iyadoo dib hada ay u howlgalinayso Wasaarada Tamarta iyo Biyaha Jubbaland.
Madaxweynaha ayaa kormeeray Wajiga koobaad ee mashruucan oo hadda la gabagabeeyay iyadoo Wajiga labaad la gudo galay uuna qaadan doono mudo sanad ah in lasoo gaba gabeeyo mashruuca oo dhan.
Mashruucan ayaa biyo nadiif oo laga soo jiiday wabiga Jubba gaarsiin doona in ka badan labo Milyan oo qof iyadoo markiiba uu soo saarayo biyo dhan shan iyo toban kun oo meter cubic taas oo dabooli doonta baahiyaha dhinaca biyaha ee Magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku xeeran ee gobolka Jubbada Hoose.
Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa u mahad celiyay howlwadeenada iyo shaqaalaha ka shaqaynaya mashruucan dhaxalgalka ah isagoo xusay in wax badan uu kusoo kordhin doono hormarka deegaanka.