
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ku qaabilay magaalada New York, Xildhibaan Ilghaan Cumar oo ka mid ah Aqalka Wakiillada dalka Mareykanka oo salaan ugu timid Ra’iisul Wasaaraha.
Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Xildhibaan Ilhaan ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya gaar ahaan horumarka laga sameeyay dhinacyada amniga, siyaasadda, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.
Waxaa sidoo kale ay isla soo qaadeen sidii ay dowladda Mareykanka u sii ballaarin lahayd taageerada ay siiso Soomaaliya.